Saraakiisha Puntland ee hogaaminaya ciidanka dagaalka kula jira kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ayaa ka hadlay duqayntii Maraykanka

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi ayaa sheegay in duqeynta ay la beegsadeen ugu yaraan 10 goobood oo Daacish ay ku leeyihiin deegaanka Cal-Miskaad oo ka tirsan Buuraha Golis.
“Weerarka waxaa lagu bartilmaameedsaday ilaa 10 goobood oo ka tirsan deegaanka Cal-Miska, oo u badan godad, waxaana rumeysannahay in lagu dilay maleeshiyaad badan,” ayuu yiri Jeneraalka.
Dad ku sugan degmada Qandala ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan duqeynta, waxaana ay sheegeen in ay meel fog ka arkayeen uuro iyo qiiq aad u xooggan, waxaana ay sheegeen in ay maqleen ugu yaraan 7 qarax oo waaweyn.
Taliska Mareykanka ee Afrika, oo kormeera dadaallada militari ee Mareykanka ee qaaradda, ayaa sheegay in sidoo kale, ay qiimeeyeen in la dilay tiro badan oo ka mid ah howl-wadeennada argagixisada.
Dowladda Puntland ayaa duullaan culus ku qaaday Kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.