Taliyaha Gobolka Mudug oo sheegay inay sharciga horkeenayaan qofkasta ku lug leh kiiska Saabiriin

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Maxamuud Cabdixakiin, ayaa sheegay inaanay jirin cid ka baxsan doonaysa sharciga…

26 November, 2025

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Maxamuud Cabdixakiin, ayaa sheegay inaanay jirin cid ka baxsan doonaysa sharciga haddii ay ku lug leedahay kiiska dilka Saabiriin Saylaan. Wuxuu carabka ku adkeeyay inay wadaan baaritaan dhammeystiran oo lagu xaqiijinayo cid kasta oo kiiskaas qayb ka ahayd.

Taliyaha ayaa tilmaamay in qof walba oo magaalada ku sugan oo looga shakiyo kiiska aan laga badbaadin doonin gacanta sharciga, isla markaana ay ka go’an tahay inay cadaalad waafaqsan sharciyada dalka la horkeeni doonaan. Wuxuu sheegay in dowladdu aysan ogolaan doonin in dembi sidaas u culus uu cidna kaga qarsoomo.

Maxamuud Cabdixakiin ayaa xusay in boolisku si joogto ah u wadaan baaritaanno ballaaran oo ay ku baadi-goobayaan xog walba oo ka caawin karta in la helo dhammaan dadka ku lugta leh falkaas argagaxa leh. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in bulshada looga baahan yahay inay la shaqeeyaan booliska.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo weli ay xooggan yihiin baaqyada bulshada ee ku aaddan cadaaladda Saabiriin, oo magaalada Gaalkacyo ay ka socdaan kacdoonno iyo caro dadweyne oo ka dhashay dilkeeda naxdinta leh.