Taliyaha Ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda, Sareeye Guud Sam Okiding, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas…

Taliyaha Ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda, Sareeye Guud Sam Okiding, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga.
Sareeye Guud Sam Okiding ayaa ka qayb geli doona Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee dalalka ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo taageeri lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta ciidamada saaxiibada la ah Soomaaliya si loo dedejiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Intii uu socday kulanka, waxaa la isla eegay qorshe hawleed wadajir ah oo lagu fulinayo go’aannadii kasoo baxay Shir Madaxeedkii Gaarka ahaa ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka AUSSOM, kaas oo dhowaan ka qabsoomay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Qorshahaasi wuxuu xoogga saaraya dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, sare u qaadista wadaagista xogaha sirdoonka, iyo isku-duwidda awoodaha, qorsheyaasha iyo agabka ciidamada iskaashanaya.




