Taliyaha magacaaban ee NISA Mahad Salaad oo qayb ka noqday safarka RW Xamse ee Jabuuti.

1 June, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Socdaalka wafti Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ee dalka Jabuuti ayaa salka ku haya casimaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha iyo guud ahaan hoggaanka sare ee Jamhuuriyadda Jabuuti, sida lagu daabacay baraha bulshada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dalka Jabuuti, ayaa kawada hadli doona arrimo ay kamid yihiin; Amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada Dalka iyo dadkaba.

Safarka Ra’iisul Wasaare Xamse waxaa ka soo muuqday taliyaha Magacaaban ee Hay’adda NISA Mahad Salaad oo gelinkii hore ee maanta ay xukuumadda Soomaaliya ansixisay din u mahacaabistiisa.