Taliye Aadan Cabdi Xaashi oo ka hadlay dagaalka Cal-miskaad & isku-beddelka ciidamada.

9 December, 2025

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi, ayaa shaaca ka qaaday in…

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi, ayaa shaaca ka qaaday in isbeddelo lagu samayn doono ciidamad a ku sugan furimaha dagaalka Cal-miskaad, isagoo shaaciyey in guul weyn laga gaarey dagaalka Daacish.

“Dagaalka waxaa ku dhintay askari ilaa Janan Qalyaraa ku dhintay, Xanaano waaxyihiisii ayuu ku waayey, natiijo fiicanna iyo guul weynna waa laga gaarey”, Ayuu yiri Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi.

Dhanka kalena, Gen. Aadan Xaashi oo la hadlayey dufcadda Afmeer ayaa sheegay inay gaari doonaan furimaha dagaalka Cal-miskaad si ay u bedelaan ciidamada ku sugan saldhigyada qaar.

“Dufcaddaan mageceedu waa AFMEER, waxaad u tegaysaan ciidankiinii intaa tababarka kujirteen dagaalka kujirey, ciidanku dufcad dufcad ayuu isu bedeli doonaa waa inaad meeshay ka wadeen xoog ku dartaan waxaa inoo haray waa shaqo tag”, Ayuu yiri markale.