Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay…

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Dhisme cusub oo loo hirgelin doono taliska guud ee qaybta booliska gobolka Banaaadir.
Gen. Asad Cisamaan Cabdullaahi (Diyaano) oo dhagax dhigga ka hadlay ayaa siweyn u dhaliilay shaqsiyaadka caadaystay abaabulka been abuurka iyo kicinta dadweynaha si ay uga hortagaan horumarka ay dowladda Somalia ku hawlantahay.
Waxa uu sheegay in xaruntaani aan laga iibin ganacsato iyo shaqsiyaad gaar ah isagoo dalbaday in la joojiyo qabyaaladda, qorax istaagga iyo qalalaasaha waxyeelaynaya horumarka bulshada Soomaaliyeed oo uu tilmaamay in dhulkoodu ka badan yahay.
“Dhulka danta-guud cid gaar ah lama siiyo qayladda, buuqa iyo qorrax istaagga halla joojiyo, dhulkeenu waa inagu filan yahay dhammaanteenna”, Ayuu yiri Taliye Aasad Cismaan Cabdullaahi Diyaano.
Dhismayaasha iyo Hagaajinta iyo xarumaha Boliisku ugu adeego Bulshada waxay safka hore uga jireen balan qaadyadii Taliyaha ee marka uu xilka ku wareegay, waxaana hadda muuqata in muddo kooban gudaheed la arkay miro dhalkooda.



