Taliye Cabdi Madoobe oo katirsan saraakiisha ciidanka maamulka Waqooyi Bari Somalia tababar ugu soo xiray boqolaal…

Taliye Cabdi Madoobe oo katirsan saraakiisha ciidanka maamulka Waqooyi Bari Somalia tababar ugu soo xiray boqolaal ciidamo oo ku soo biiraya ciidanka maamulkaasi.
Mar uu ka hadlayey xiritaanka tababarka ayuu sheegay in ciidankaan uusan waajib ka saarnayn Waqooyi Bari haseyeeshee ay ka hawlgeli karaan guud ahaan Soomaaliya kana jawaabi karaan baahiyha ciidan ee gobolada dalka.
Dhanka kalena, taliyaha ayaa sheegay in halgankii deegaamada SSC uusan dhammaan isla markaana ay Somaliland mabda’a ahaan isku hayaan haseyeeshee aysan isku hayn qabiil iyo dhul beeleed sida uu hadalka u dhigay.
“Mas’uuliyaddiinu Waqooyi Bari kaliya ma ahan ee hankeennu waa Soomaali weyn, dadku beelo isuma hayo, Harti iyo Isaaq isuma hayo mabaadii’ ayaa laysu hayaa, nimankii Somaliland maamulkii u dhisnaa markii ay waxba ku qaadi waayeen dagaalkii qabiil ayey u bedeleen”.



