Taliye ciidan oo lagu diley magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland

Published: March 26, 2023
Shares14

Alle ha u naxariistee, laba xiddigle Axmed Cali Shire oo ahaa taliyihii saldhiga galbeed ee caasimadda Garoowe ayaa maanta nin hubaysan ku toogtay magaaladaas.

Ninkii dilka geystay u taliyaha oo la sheegay in uu isticmaalay maandooriyaha Khamriga ayaa sida xaqiijiyeen ciidamada Booliska isla markiiba gacanta ku dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo shakhsiga dilka geystay, markii uu baaritaanka soo idlaadana sharciga la hor gayn doono.

Garoowe ayaa kamid ah magaalooyinka ay muddoyinkii dambe ku soo badanayeen dadka isticmaala maandooriyaha kuwaas oo sababa dilal iyo dhacdooyin amni darro.

Horseed Media