Taliye katirsan DFS oo maalintii 2aad u xiran Somaliland.

Taliyihii guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor ee Soomaaliya Gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi ayaa ciidamada Somaliland maalinimadii…

27 September, 2025

Taliyihii guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor ee Soomaaliya Gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi ayaa ciidamada Somaliland maalinimadii shalay xabsiga u taxaabeen xilli uu ku sugnaa magaalada Wajaale ee xuduudka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xasan Ciraaqi oo xabsiga la dhigay ayaa Somaliland sheegtay inuu si sharci darro ah ku soo galay dhulkeeda isagoo xil sare oo ciidan ka haya Dowladda federalka ah ee Somalia, oo ay siyaasad ahaan Somaliland sheegtay inay ka baxday.

Saraakiil katirsan maamulka Somaliland ayaa warbaahinta qaar u sheegay inaysan Xasan Ciraaqi sii dayn doonin inta laga sii daynayo saraakiil kaga xiran Magaalada Laascaanood.

Taliye Xasan Ciraaqi ayaa siweyn loogu xusuustaa doorkii uu ka qaataty dagaalkii deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray Jubbaland iyo ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia.