Taliye Odawaa oo gaarey deegaamo laga xoreeyey Alshabab.

14 August, 2025

Sareeyo Gaas Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa Goobaha ay Ka socdaan Howlgalada…

Sareeyo Gaas Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa Goobaha ay Ka socdaan Howlgalada Sifeynta Al-shabaab Waxaana uu is dultaagay Talisyada fariisimaha Ciidamada Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhwaan laga saaray Al-shabaab.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka ayaa ayaa taliyaha soo dhaweeyay degaanka isagoona warbixin ka siiyey Jabkii Al-shabaab loogu geystay degaanka Bariire.

Socdaalkaan ayaa salka ku haya si uu ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ugu muujiyo garab istaag waxaana uu ku Bogaadiyay Guulaha ay ka gaareen Howlgalka Al-shabaab looga xorreynayo Gobolka Shabeelada Hoose.