Taliyaha Ciidamada Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta hortagay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya isagoo…

Taliyaha Ciidamada Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta hortagay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya isagoo si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladda dagaalka lagula jiro kooxda AlShabaab. Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay wadaan dagaal adag oo waqti dheer socday.
Taliyaha ayaa si cad u sheegay in tirada askarta dowladda ee ku dhimatay, dhaawacantay ama hawlgabka noqotay ay u dhexeyso 10,000 ilaa 15,000. Wuxuu tilmaamay in tiradan ay muujinayso naf hurnimada iyo geesinimada ciidamada Soomaaliya.
Odawaa ayaa xusay in howlgallada socda ay keeneen guulo muhiim ah, balse ay sidoo kale jiraan caqabado ay ka mid yihiin dhanka sahayda, dhaqaalaha, iyo daryeelka askarta. Wuxuu ugu baaqay dowladda in la xoojiyo taageerada loo fidiyo ciidamada si ay u sii wadaan dagaalka.
Taliyaha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in ciidamada dowladda ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah kooxda AlShabaab ilaa laga gaarayo guul buuxda, isagoo ku ammaanay askarta difaaca dalka sida ay u muujiyeen adkaysi iyo kalsooni.
Hadalkan Jeneraal Odawaa ayaa imaanaya xilli dagaallo culus ay weli ka socdaan gobollada dhexe ee Soomaaliya halkaas oo ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ku wajahayaan kooxaha AlShabaab ee weli ku sugan deegaannada qaar.



