Taliye Shub oo ka digey halis kusoo wajahan Soomaaliya.

Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Shubka ayaa markii ugu horreysey ka hadlay…

4 April, 2026


Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Shubka ayaa markii ugu horreysey ka hadlay dedaaladii uu ku bixiyey joojinta colaadda Baydhabo iyo wixii ay isku maandhaafeen Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia.

Waxa uu sheegay in Madaxweynuhu uga yeeray Turkiga markii uu soo gaarey Muqdishona uu la kulmay abaabul ciidan oo ka dhan ah Koonfur Galbeed iyadoo lagu wargelieyey in arrintaan la qorsheeyey, muddo kooban kadibna Madaxweyne Xasan Sheekh ku wargeliyey inuu xabsi guri kujiro.

“Markaan  Turkey ka imi ayaan arkay Madaxtooyadii oo ciidan abaabulaysa, waxaan iri Madaxweyne aan Cabdicasiis kula soo hadalsiiyee dagaalka jooji laakiin waxay ahaayeen rag go’aan gaarey, laba beri markaan joogey ayuu MW Xasan isoo wacay oo iyiri “Saw Mahad ma ahan Haa bartaadaa ku xiran tahay daqiiqado kadibna ciidan ayaa gurigayga lagu wareejiyey”, Ayuu yiri Taliye Shub.

Dhanka kalena, Taliyaha oo sheegay inuusan aqoonsanayn iscasilaaddii Lafta-gareen ayaa sheegay in Baydhabo lagu celiyey colaaddii 1991 ayna ku soo maqan tahay qaar kamid ah deegaamada kale ee Soomaalida.

“Xarumihii dowladda ee habka quruxda badan loo dhisay markay Baydhabo tageen waxay u degeen qabiil qabiil 1991 ayey ku celiyeen, cudurkaan reer Koonfur Galbeed kaliya kuma dhicin Soomaali badan oo kale ayuu ku dhici doonaa dadkaas ayaan ka mid noqonaynaa”, Taliye Shub.