Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Taliye Shub, ayaa dhaawac…

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Taliye Shub, ayaa dhaawac fudud ka soo gaarey duqeyn cirka ah oo lala beegsaday guriga uu ka deganaa magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Duqeynta ayaa sidoo kale sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad kale oo ku sugnaa guriga, iyadoo wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in haweeney Itoobiyaan ah oo guriga ka shaqaynaysay ay ku dhimatay, halka dhowr qof oo kalena ay dhaawacyo soo gaareen.
Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin cidda fulisay duqeynta iyo diyaaraddii loo adeegsaday weerarka, waxaana dhacdadaani ku soo beegmaysa xilli xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay aad u kacsan tahay isla markaana Taliye Shub uu horay u sheegay in hoggaamiye Aadan Madoobe uusan ku ledi doonin Magaalada Baydhabo.
Taliye Shub ayaa hore u soo noqday taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu door muuqda ku lahaa arrimaha siyaasadda iyo amniga Koonfur Galbeed, gaar ahaan hoggaankii Madaxweyne Lafta-gareen ee xilka laga tuuray.




