Taliyihii Ciidanka Daraawiishta SSC KHATUMO oo Xilkii Iskacasiley.

28 April, 2025

Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo General Saleebaan Barre Geesood ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi…

Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo General Saleebaan Barre Geesood ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah xilkii isaga casiley maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 28-ka April 2025.

Gen. Geesood oo warqaddiisa iscasilaadda u gudbiyey xafiiska hoggaamiyaha maamulka SSC KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw-cali, ayaan sheegin sababta keentay iscasilaaddiisa, isagoo codsaday in hoggaamiyuhu aqbalo soo jeedintiisa.