Taliyihii ciidanka nabad sugidda ee gobolka Gedo oo qarax lagu diley

Published: December 9, 2022
Bakaal Kooke

Wararka ka imaanay degmada Luuq ee gbolka Gedo ayaa sheegaya in habeenimadii xalay qarax lagu diley taliyihii ciidanka nabadsugidda ee gobolka Gedo Col. Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke).

Taliyaha la diley ayaa mar loogu yeeri jirey in uu madax ka yahay ciidanka xasilinta gobolka Gedo.

Qaraxa lagu tiley taliye Bakaal waxaa ka soo baxaya laba war mid sheegaya in gaarigiisa qaraxa lagu xirey, kadib gaarigu ku dhex qarxay wax yar kadib markii uu ka baxay degmada Luuq isaga oo ku sii jeeda degmada Doolow, halka warar kale sheegayaan in qaraxu ahaa miinada dhulka.

Bakaal Kooke waxaa qaraxa kula dhintey nin kale oo ka tirsanaa saraakiisha nabad sugidda gobolka Gedo.

Dilka taliye Bakaal waxaa sheegtey Malayshiyaadka al-Shabaab, waxaana ay ku faafiyeen warbaahintooda.

Horseed media