Taliyihii guutada 14-ka October oo lagu diley Shabeelada Hoose.

5 April, 2025

Taliyihii Guutada 14 October Nuur Maxamed Gaabow ( Nuur Furey) ayaa maanta lagu dilay duleedka degmada…

Taliyihii Guutada 14 October Nuur Maxamed Gaabow ( Nuur Furey) ayaa maanta lagu dilay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose, sida ay shaaciyeen saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wararku waxay sheegayaan in nin ku lebisan dareeska ciidamada dowladda uu toogtey taliyaha xilli uu khudbad ujeedinayey cutubyo katirsan ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Xogo iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya dilka taliyaha iyadoo wararka qaar sheegayaan in ninka dilka geystey uu kamid ahaa ilaaladiisa, halka warar kalana ay sheegayaan in ninka falka geystay uu ka yimid maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaan weli faahfaahin rasmi ah ka bixin dilka sarkaalkaan oo kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee qaybta weyn ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.