Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor, ayaa galabta furay tartanka koobka kubadda cagta Gobolada Puntland…
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor, ayaa galabta furay tartanka koobka kubadda cagta Gobolada Puntland oo ah kii 10-aad ee la qabto, oo sanadka ay martigelinayso caasimadda Garoowe.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimadda ay Dowladdu siisay in joogto loo qabto tartanka Ciyaaraha Gobolada Puntland, maadaama ciyaaruhu ay ka qeyb-qaataan nabadgelyada, isdhexgalka bulshada iyo horumarka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa boggaadiyay doorkooda saliim ka ah ee qabsoomidda koobka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka kubadda cagta, Gobolada , Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telecom oo maalgelisey Koobka, Ciyaartooyda iyo dhammaan taageerayaasha.
Horseed Media