Tartanka Orodka 5km Ee Puntland Oo Ka Dhacay Garoowe – VIDEO

Published: November 18, 2020

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa abaalmarin guddoonsiiyey orodyahanada kaalmaha hore ka galay tartanka Orodka 5km ee heer Puntland oo galabta lagu qabtay magaalada Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa bogaadiyey orodyahanada tartanka ka qeybgalay oo ka kala yimi gobolada Puntland iyo masuuliyiinta wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland, shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

Tartanku markii uu dhammaaday waxaa uu madaxweyne Ku-xigeen Puntland abaalmarin isugu jirta lacag iyo bilado guddoonsiiyey saddexdii orodyahan ee kaalmaha hore galay, kuwaasi oo kala ahaa:

  1. Maxamed Cabdinuur Jaamac oo kaalinta koowaad galay
  2. Fu’aad Siciid Cali oo isna kaalinta labaad galay
  3. Maxamed Muxiyadiin oo kaalinta saddexaad galay

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay masuuliyiinta wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

Tartankan oo sanadle ah ayaa waxa sanad kasta kasoo qaybgala safaro usoo gala dhalinyaro isaga kala timaada gobolada iyo degmooyinka Puntland.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *