Tareenka, oo ka soo safray Bangkok una socda waqooyi-bari Thailand, ayaa shilka galay kadib markii uu wiish dhisme uu ku dhacay.

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintay 64 kalena way ku dhaawacmeen markii wiish dhisme uu ku dhacay tareen rakaab ah waqooyi-bari Thailand.
Shilka ayaa Arbacadii ka dhacay degmada Sikhio ee gobolka Nakhon Ratchasima, oo 230km waqooyi-bari ka xigta caasimadda Bangkok. Tareenka ayaa ka yimid caasimadda Thailand una socday gobolka Ubon Ratchathani.
Sida ay sheegayaan wararka wiishka ayaa loo isticmaalayay dhismaha waddo dheer oo qayb ka ah mashruuc tareen oo xawaare sare leh oo ay iska kaashadeen Thailand iyo Shiinaha. Wiishka ayaa ku dhacday tareenka socday, taasoo keentay inuu ka baxo khadka oo uu dab qabsado.
Wasiirka Gaadiidka Phiphat Ratchakitprakarn ayaa sheegay in 195 rakaab ah ay saarnaayeen tareenka, uuna amray in baaritaan buuxa la sameeyo.



