TikTok oo si rasmi ah u joojiyey shaqada Maraykanka

19 January, 2025

Sharciga mamnuucaya abka ayaa dhaqan galaya maanta Janaayo 19, 2025

Barnaamijka canka ah ee Tiktok ayaa joojiyay shaqada Mareykanka. App-kan sidoo kale mar dambe lagama soo dejisan karo dukaamada App-ka ee Apple ama Google play-ka marka la joogo Mareykanka.

Isticmaalayaasha ku sugan Mareykanka ee isku dayay inay furaan app-ka ayaa la kulmay fariintan: “Waan ka xunahay, Tiktok lama heli karo hadda. Sharci mamnuucaya Tiktok ayaa ka dhaqan galay Maraykanka. Nasiib darro, taasi waxay la macno tahay inaadan isticmaali karin Tiktok hadda.”

Sharcigan cusub ee maanta dhaqan galay ayaa ku khasbi doona shirkadda iska leh Tiktok ee Bytedance inay ka iibiyo app-ka milkiile Mareykan ah ama la xiro howlihiisa Mareykanka, ka dib markii maxkamadda sare ee Mareykanka ay xukuntay Jimcihii in la ilaaliyo sharciga horey loo soosaarey.

Barnaamijyada kale ee ay leedahay shirkadda Bytedance, sida tafatirka muuqaalka caanka ah ee Capcut, ayaa sidoo kale laga waayay dukaanka App-ka isla wakhtigaas Tiktok.

Si kastaba ha ahaatee, Donald Trump ayaa u sheegay TV-ga NBC subaxnmadii Axada in uu siin doono Tiktok 90-maalmood oo dib u dhac ah oo uu kaga soo laaban doono xayiraadda ka dib markii uu la wareego xilka madaxtinimada Mareykanka Isniinta.