1 July, 2025
Ugu yaraan 95 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza, oo ay ku jiraan in ka badan 12 qof oo lagu xasuuqay goobaha gargaarka lagu qaybiyo ee uu Maraykanku taageero.

Weerar ay ciidamada badda ee Israa’iil ku qaadeen maqaaxi saaran xeebta ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 39 qof. Waxaa kaloo jiray weeraro lagu qaaday goobo gargaar loogu qeybinayay dad gaajaysan.
Weerarkii ugu dhimashada badnaa ee hal maalin ah, ayey diyaaradaha dagaalka Israel duqeeyeen makhaayad laga qaxweeyo oo ay ka socotay xaflada dhalashada caruurta, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 39 qof.
Sidoo kale, ugu yaraan 31 falastiiniyiin ah ayaa hadda lagu dilay Gaza tan iyo saaka oo Talaado ah.