Tirada xubnaha golayaasha degmooyinka Puntland oo la dhimay.

22 May, 2025

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa, ka dib la-tashi la sameysay bulshada degmooyinka, wax-ka-beddel iyo kaabis ku…

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa, ka dib la-tashi la sameysay bulshada degmooyinka, wax-ka-beddel iyo kaabis ku samaysay Xeerka Maamulka Degmooyinka iyo Gobollada, waxaana la dhimay tirada xubnaha golayaasha deegaanka ee saddexda heer.

Tirada xildhibaannada degmooyinka ayaa loo dhimey sidan:

• Heerka Koowaad (A): laga dhigay 15 xubnood halkii ay ka ahaayeen 33.

• Heerka Labaad (B): laga dhigay 13 xubnood halkii ay ka ahaayeen 27.

• Heerka Saddexaad (C): laga dhigay 9 xubnood halkii ay ka ahaayeen 21.

Isbeddelkan ayaa noqon doona mid sharci ah marka uu ansixiyo Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Puntland. Waxaana lagu dabaqi doonaa doorashooyinka soo socda ee qof iyo cod ah ee loo qabanayo golayaasha deegaanka.