Tiradda Israa’iil ku xasuuqday Gaza oo gaartay 63,000 qof, waxaana u dhintay macaluul 322 qof

29 August, 2025

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa diiwaangelisay shan dhimasho ah “macluul iyo nafaqo darro awgeed” 24-kii saac ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan laba carruur ah, taasoo tirada guud ee dhimashada gaajo la xiriirta ka dhigeysa 322, oo ay ku jiraan 121 carruur ah.

Ugu yaraan 51 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan carruur iyo gargaar-doon, ayaa lagu dilay tan iyo waaberigii weerarrada Israel ee guud ahaan Gaza, oo ay ku jiraan dhowr ka mid ah aagga al-Mawasi – oo loo yaqaan “aagga bini’aadantinimada” ee ay Israel u qoondaysay – koonfurta.

Tirada Falastiiniyiinta ee la xaqiijiyay inay Israa’iil ku dishay xasuuqa Gaza tan iyo waaberigii ayaa gaartay 51, sida laga soo xigtay ilo ku sugan isbitaallada dhulka.

Dhibbanayaasha waxaa ka mid ah ugu yaraan toddobo qof oo la dilay xilli ay gargaar raadinayeen meel u dhow waxa loogu yeero Netzarim Corridor ee bartamaha Gaza.

Dhinaca kale, qoysaska reer Israa’ iil ee dadkooda lagu heysto Gaza oo soo abaabulay mudaaharaadyo waaweyn oo ay ku dalbanayaan xabbad-joojin lagu soo celiyo maxaabiista Gaza, ayaa ka murugooday geerida lahayste Ilan Weiss, oo maanta maydkiisa ay soo qaadeen ciidammada Israa’iil.