Tirinka codadka doorashada qof iyo cod ee Puntland oo socota

Published: May 25, 2023
Shares2

Cod-bixinta doorashada qof iyo cod ee degmooyinka iyo deeganada Puntland ayaa xrmatay, ka dib muddo 12 saacadood ah oo ay socotey, sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinku.

Tirinka codadka ayaa socota hadda, natiijooyinka hordhaca ahna waxa ay qaadan doonaan waqti in ay soo baxaan.

Doorshada ayaa si isku mid ah uga qabtoontay guud ahaan deegaanada Puntland marka laga reebo caasimada Garowe iyo laba degmo oo katirsan gobolka Nugaal, iyadoo dib loo dhigay.

Sidoo kale doorashada ayaan maanta ka dhicin gobolada Sool iyo Ceyn ee ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland.

Horseed Media