Todobo kamid ah Magaalooyinka Somalia oo shir uga furmay Garoowe.

25 November, 2025

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Puntland, Cabdulqaadir Gaylan, ayaa si rasmi ah u daahfuray…

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Puntland, Cabdulqaadir Gaylan, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Aqoon Isweydaarsiga ee magaalooyinka ku midoobay fulinta mashruuca NAGAAD Project, oo ay ka qaybgalayaan wakiillo ka socda toddobada magaalo ee uu mashruucu ka hawlgalo: Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Beledweyne, Dhuusamareeb iyo Garoowe.

Shirka waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud Cabdulqaadir Sheekh Maxamuud, Duqa Caasimadda Garoowe Hon. Abdulkadir Geedi, Xoghayaha Dowladda Hoose Hon. Abdale Mohamed Abdale, madaxda mashruuca NAGAAD ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, wakiillo ka tirsan UNOPS, iyo hawlwadeenno ka socda dowladaha hoose ee magaalooyinka kale.

Shirku oo socon doona labo maalin ayaa diiradda lagu saari doonaa isweydaarsiga khibradaha shaqo, ka wada hadalka caqabadaha horyaalla, iyo qaababka lagu wanaajin karo hirgelinta hawlaha mashruuca. Inta lagu guda jiro kulanka, wafdiga ka kala socda magaalooyinka waxay kormeer ku tegi doonaan goobaha ay ka socdaan mashaariicda Dowladda Hoose ee Garoowe.