Lix qof ayaa lagu dilay weerar toogasho ah oo ka dhacay bariga Quddus, mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sidaas sheegay.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof ay ku dhaawacmeen lixna ay ku jiraan “xaalad halis ah” kadib toogashadii subaxnimadii Isniinta ee Isgoyska Ramot.
Booliiska Israa’iil ayaa toogashada ku tilmaamay “Weerar Argagixiso”.
Askari ka tirsan ciidamada nabadsugida iyo qof rayid ah ayaa toogtay kooxihii dilka geystay wax yar kadib markii ay toogashadu bilaabatay, sida ay booliisku xaqiijiyeen.
Booliska ayaa sheegay in ragga falkan geystay ay ku yimaadeen gaari, kadibna ay rasaas ku fureen goob basaska laga raaco.
Kadib markii ay booliisku sheegeen in dembiilayaasha ay ka yimaadeen Daanta Galbeed ee la haysto, Raadiyaha Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay go’doomin milatari ku soo rogeen afar tuulo oo ka tirsan maamulka Jerusalem ee dhulka – Qatana, Biddu, Beit Inan iyo Beit Duqu – oo ay hawlgalo ka fuliyeen halkaas.



