Toogasho ka dhacday Mareykanka oo lagu dilay 8 carruur ah, gobalka Louisiana

19 April, 2026

Sida ay sheegeen booliiska maxalliga ah, qof rasaas furay ayaa siddeed carruur ah ku dilay magaaladda Shreveport, oo ku taal gobolka Louisiana ee Mareykanka Axaddii.

Dadka weerarkan ku dhintay waxa ugu yar cunug ahaa 1 sano jir, qofka ugu weynna wuxuu ahaa 14 jir, sida ay saraakiishu sheegeen. Laba qof oo waaweyn ayaa la sheegay in sidoo kale la toogtay.

Booliisku waxay sidoo kale sheegeen in weerarka uu ka dhacay saddex goobood.

Mas’uuliyiintu waxay dhacdada ku tilmaameen “dagaal u dhaxeeya qoys.”

Sida laga soo xigtay wakiilka booliiska maxalliga ah Chris Bordelon, khilaafku wuxuu qarxay aroortii hore ee Axaddii, iyadoo nin uu rasaas furay. Waxaa la rumeysan yahay inuu kaligiis falkan geystay.

Tuhmanaha ayaa isku dayay inuu baxsado kadib toogashada waxaana toogtay booliisku intii lagu jiray baacsiga.

Magaalada Shreveport waa magaalada saddexaad ee ugu weyn gobalka Louisiana waxayna ku taal meel u dhow xadka gobolka uu la leeyahay gobalka Texas.