Traoré iyo Putin oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Burkina Faso iyo Ruushka

11 May, 2025

Madaxweynaha dalka Burkina Faso, Ibrahim Traoré, oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Moscow ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarka.

Intii uu socday kulanka, Traoré waxa uu muujiyay rabitaankiisa ah in uu ballaariyo iskaashiga uu la leeyahay Moscow, isaga oo ku nuuxnuuxsaday rabitaankiisa ku aaddan xiriirka labada dal si uu u arko “koritaanka degdega ah”, isaga oo diiradda saaraya taageerada tignoolajiyada iyo isdhaafsiga khibradaha.

“Shaqooyin badan ayaa na horyaalla, waxa aan u baahannahayna waxa ugu badan waa wareejinta tignoolajiyada iyo aqoonta,” ayuu yiri madaxweynaha Burkina Faso, isagoo intaas ku daray “dagaalka lagu soo qaaday Burkina Faso ma aha argagixisanimo, laakiin waa nooc kamid ah gumeysiga.”

Dhankiisa, madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay Moscow iyo Ouagadougou waxa maanta mideeya ay tahay la dagaalanka xagjirnimada iyo argagixisada, isagoo caddeeyay in dalkiisu uu taageersan yahay dadaallada Burkina Faso ee dib u soo celinta xasilloonida siyaasadeed ee ka dhanka ah kooxaha hubaysan ee ka hawl-gala qaybo ka mid ah dalkaasi.

In kasta oo uu qiray in mugga ganacsiga labada waddan uu yahay mid dhexdhexaad ah, Putin wuxuu ku baaqay in la qaado tallaabo wadajir ah oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dhinac.

Waxa kale oo uu sheegay in Ruushku uu sii wadi doono taageerada bini’aadantinimo, isagoo xusay in 25,000 oo tan oo qamadi ah si bilaash ah loogu diray Burkina Faso sannadkii hore, iyada oo shixnad cunto cusub ah ay bishan ku wajahan tahay magaalada Ouagadougou.

Putin ayaa ku dhawaaqay inuu laban-laabayo tirada deeqaha waxbarasho ee la siinayo ardayda Burkina Faso, taasoo madaxweyne Traoré ku tilmaamay maalgelinta mustaqbalka dhallinyarada Burkina Faso.

Horseed Media