Joojintan ayaa ku soo beegantay maalmo un kadib markii Trump iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu murran xoogan ku dhexmaray kulankoodii Aqalka Cad.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii amar ku bixiyay in si ku meel gaar ah loo joojiyo kaalmada uu Mareykanka siiyo Ukraine.
Waxa ay ku soo beegantay maalmo un ka dib markii Trump uu Aqalka Cad kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.
Wakaaladaha wararka ee kala duwan ayaa soo xiganaya sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan Aqalka Cad isagoo sheegay in Maraykanku “hakinayo oo uu dib u eegis ku samaynayo” kaalmadii uu siin jiray “si loo hubiyo in ay ka qayb qaadanayso xalinta” dagaalka Ruushka.
“Madaxweyne Trump wuxuu caddeeyey inuu diiradda saarayo nabadda, waxaan u baahanahay saaxiibadeenna inay sidoo kale ka go’an tahay hadafkaas,” ayuu yiri sarkaalka.
Telefishinka Fox News ayaa soo xigtay sarkaal ka tirsan dowladda oo aan la magacaabin isagoo sheegay in tallaabadani aysan ka dhigneyn joojinta joogtada ah ee gargaarka.