Israa’iil iyo Lubnaan ayaa ku heshiiyay xabad joojin 10 maalmood ah oo bilaabanaysa caawa 21:00 GMT Khamiista, sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kadib markii uu la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun.

Qoraal labaad oo uu ku qoray bogga Truth Social ka dib markii uu ku dhawaaqay xabad joojin dhex marta Israa’iil iyo Lubnaan, Trump wuxuu ku sheegay inuu ku casuumi doono hoggaamiyeyaasha labada dal inay wadahadallo ku yeeshaan Washington.
“Waxaan ku martiqaadi doonaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Bibi Netanyahu, iyo Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, Aqalka Cad si ay u yeeshaan wadahadallo macno leh oo dhexmara Israa’iil iyo Lubnaan tan iyo 1983,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Mareykanka dadaalkiisa uu ugu jiro “sugidda nabad iyo xasillooni waarta”, sida laga soo xigtay xafiiskiisa kadib markii ay labada hoggaamiye taleefan ku wada hadleen.
Saalasadii ayey wafuuda ka kala socda Lubnaan iyo Israa’iil wadahadalo uga bilowday Washington, waxaana kulamadaasi qeyb ka ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Mareykanka Marco Rubio.
Mareykanka ayaa cadaadis xoogan ka saaran yahay dhanka Iiraan oo xirtay Marinka Hormuz, iyadoo shuruud uga dhigtay in Israa’iil ay joojiso duulaanka ay ku heyso dalka Lubnaan oo ay ka dagaalamayaan xoogaga Xisbullah oo kamid ah xulafadooda.
Israa’iil ayaa horey u jabisay xabad joojintii ay wada gaareen Mareykanka iyo Iran, kadib markii ay sare u qaaday duulaanka Lubnaan, macada in Israa’iil ay xabad joojintan si dhab ah u dhaqan gelin doonto.



