Trump ayaa sheegay in Israa’iil iyo Xisbullah ay ku heshiiyeen joojinta colaadda iyo duullaanka Lubnaan

1 June, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil iyo Hezbollah ay ku heshiiyeen inay joojiyaan dagaalka, taasoo rajo u ah dad badan oo Lubnaan ku nool oo ka qaxay weerarka Israa’iil.

Trump ayaa baraha bulshada Isniintii ku sheegay in uu khadka teleefonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ballanqaaday inuu joojin doono duullaanka koonfurta Lubnaan, halka Hezbollah ay sidoo kale ogolaatay inay joojiso weerarada.

Hadalka hoggaamiyaha Mareykanka ee baraha bulshada ayaa yimid iyadoo mas’uuliyiinta Iiraan ay sheegeen in wadahadallada xabad joojinta ay burburi karaan sababo la xiriira qorshaha Israa’iil ee ah inay sii xoojiso duullaanka ay ku qaadayso Lubnaan.

“Waxaan la yeeshay wadahadal Ra’iisul Wasaare Bibi Netanyahu, waana la joojin doonaa ciidamada Israa’iil ee kusii siqaya caasimadda Beyruut, ciidamo kasta oo jidka kusii jirana waa la celiyay,” ayuu yiri Trump.

Trump ayaa intaas ku daray “Sidoo kale, iyada oo loo marayo Wakiillo heer sare ah, waxaan la yeeshay wicitaan aad u wanaagsan Xisbullah, waxayna ku heshiiyeen in dhammaan rasaasta la joojiyo – in Israa’iil aysan weerari doonin, oo aysan iyaguna weerari doonin Israa’iil.”

Maanta oo Isniin ah, dad badan ayaa qaxay xaafadda Dahiyeh ee koonfurta caasimadda Lubnaan, halkaas oo Hezbollah ay taageero ballaaran ka leedahay, kadib markii dowladda Israa’iil ay amartay in la duqeeyo aaggaas.