Trump ayaa sheegay in Xi uu ogolaaday heshiis ku saabsan in TikTok ay ka sii shaqeyso Mareykanka

20 September, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu ansixiyay heshiis guud oo ku saabsan in TikTok ay ka sii shaqeyso Mareykanka ka dib markii uu taleefoon kula soo hadlay. Laakiin weli ma cadda qodobada heshiiskan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu ansixiyay heshiis lagu sii hayo app-ka caanka ah ee TikTok, kaasoo kasii shaqeynaya gudaha Mareykanka.

Mareykanka ayaa doonayey inay maamulka TikTok kala wareego Shiinaha, iyadoo Trump – oo mar ku baaqay in la mamnuuco – ayaa dhanka kale u adeegsaday TikTok ololihiisii doorashada, gaar ahaan taageerayaasha da’da yarta ah.

Trump ayaa weriyayaasha ugu sheegay inuu oggolaaday heshiiska TikTok,” isaga oo intaa ku daray in heshiiska dhawaan la saxiixi doono.

Trump ayaa weriyeyaasha kula hadlayay xafiiskiisa “Oval Office”, kadib markii uu taleefoon kula hadlay madaxweynaha Shiinaha, Jimcihii shalay.