Trump iyo China oo uu wadahadal u bilowday, shirkadda TikTok ayaa ah ajandaha ugu weyn

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ku wada-hadlay khadka taleefanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Shiinaha.

19 September, 2025

Labada hogaamiye ayaa lagu wadaa in ay ka wadahadlaan tafaasiil ku saabsan heshiiska Shirkadda TikTok ee Shiinaha laga leeyahay ay uga sii shaqeyn karto Mareykanka iyo sidoo kale dadaallada hoos loogu dhigayo xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa labada dal.

Wadahadalkii ugu dambeeyay ee labada hoggaamiye dhex mara, oo diiradda lagu saarayay xiriirka ganacsiga, ayaa dhacay horraantii bishii June. Waxay ahayd markii ugu horreysay tan iyo markii Trump uu ku laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo.

Madaxweynaha Mareykanka wadahadalka uu maanta la yeeshay dhiggiisa Shiinaha ayaa daba socda booqashadii labaad ee uu ku tagay UK, halkaasoo Trump uu xoojiyey xiriirka uu la leeyahay xulafada taariikhiga ah ee UK, isla markaana uu kala hadlay arrimaha Ukraine, Gaza iyo Afghanistan.