Ciidamada Israel ayaa xoojiyay weerarada ay ku hayaan marinka Qasa, xilli saacadihii la soo dhaafay lagu…

Ciidamada Israel ayaa xoojiyay weerarada ay ku hayaan marinka Qasa, xilli saacadihii la soo dhaafay lagu diley ugu yaraan 51 falastiiniyiin ah sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirtu.
Dhibanayaasha waxaa ku jira 45 kuwaas oo lagu dilay waqooyiga Qaza, kadib markii ciidamada Yuhuuddu ay beegsadeen goobo gabbaad u ahayd dadka ku barakacay dagaalada ku dhowaad labada sano ka socda Qasa.
Dhanka kalena, dowladaha Ruushka, Shiinaha iyo UK ayaa diiday qorshaha Mareykanka iyo Israa’iil ee gargaarka loogu qeybinayo Qasa, taa beddelkeedana Israa’iil waxay ku booriyeen in ay qaado xayiraadda labada bilood ah ee ay ku hayso Gaza.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo booqanaya Sacuudiga ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo soo afjari lahaa colaadda Qasa sida ugu dhaqsiyaha badan, haseyeeshee Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inaysan jirin xaalad ay dagaalka ku joojiyaan.