Kulanka maalintii labaad ka socda Aqalka Cad ayaa looga hadlayaa in Israa’iil iyo Xamaas ay heshiis xabbad joojin ah gaaraan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Aqalka Cad kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu markii labaad muddo 24 saac gudahood ah, si uu ugala hadlo suurtagalnimada heshiis xabbad joojin ah oo laga gaaro Gaza.
Wadahadalladan oo dhacay fiidnimadii Talaadada oo aan hore loo sii qorshayn ayaa socday muddo saacad ka badan, iyadoo aanay jirin wax war ah oo kasoo baxay, waxayna kusoo beegmaysaa iyadoo ciidamada Israa’iil ay ugu yaraan 95 Falastiiniyiin ah ku dileen Gaza.
Wax yar ka hor inta uusan Trump la kulmin Netanyahu, ergaygiisa gaarka ah ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa soo jeediyay in heshiis xabbad-joojin ah oo Gaza laga gaaro uu dhow yahay, wuxuuna sheegay in Washington ay rajaynayso in heshiis la dhammeeyo dhammaadka toddobaadkan.



