Trump iyo Pezeshkian oo kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo dagaalka, dib ayaana loo furay Marinka Hormuz

18 June, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa kala saxiixday heshiis horudhac ah oo lagu kordhinayo xabbad joojinta 60 maalmood oo kale, isla markaana dib loogu furayo marin biyoodka Hormuz.

Madaxweynaha Mareykanka iyo madaxweynaha Iiraan ayaa kala saxiixday heshiis ku meel gaar ah.

Heshiiska waxaa ku jira 14 qodob oo daboolaya khilaafka iyo sidoo kale cunaqabatayn.

Qodobbada waxay ku baaqayaan in la joojiyo dagaalka Iiraan, dib u furista marin biyoodka Hormuz iyo hoos u dhigista kaydka nukliyeerka Iiraan.

Iiraan ayaa sheegtay in heshiisku uusan daboolayn hubka gantaalada ballistic-ga.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, oo dhexdhexaadiyey, ayaa sheegay in heshiisku uu dhaqan galay ‘isla markiiba’.

Trump wuxuu sheegay in dadka dhaleeceeya heshiiska ay yihiin ‘doqomo,’ ‘masayrsan’ ama ‘dad xun’.

Wafuuda Wadaxaajoodyada Mareykanka iyo Iiraan ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan Switzerland berri oo Jimce ah.

Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa ku tilmaamay heshiiska xabad joojinta ee kumeel gaarka ah ee hadda lala saxiixday Mareykanka mid “taariikhi ah.”