Trump iyo Putin oo ka arrinsanaya colaadda Ukrain.

17 February, 2025

Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu si dhakhso ah ula kulmi karo madaxweynaha Ruushka…

Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu si dhakhso ah ula kulmi karo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin xilli ay labada hoggaamiye isku diyaarinayaan inay ku kulmaan Sacuudiga, si loo soo afjaro dagaalka daba dheeraaday ee Ukrain.

“Ma jiro waqti go’an, laakiin waxay noqon kartaa mid aad u dhakhso badan,” Trump ayaa u sheegay suxufiyiinta Axadii ka hor wadahadalada u dhexeeya saraakiisha Mareykanka iyo Ruushka ee Sacuudiga.

“Waxay noqon doontaa dhawaan; waan arki doonaa waxa dhaca,” ayuu Trump ku daray mar la weydiiyey suurtagalnimada in kulanku ku qabsoomo gudaha bishaan February ee 2025.

Mar la weydiiyey in uu aaminsan yahay in Putin uu doonayo in uu qabsado dhammaan dhulka Ukraine, Trump waxa uu sheegay inuu isla su’aashaasi waydiiyey dhiggiisa Ruushka wuxuuna ku macneeyey jiritaanka arrinkaasi dhibaato ku soo korortay caalamka.