Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku wada hadlay khadka taleefanka in ka badan laba saacadood, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in heshiis xabbad-joojin ah laga gaaro dagaalka Ukraine.

Warbaahinta dowladda Ruushka oo soo xiganeysa Putin ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu Ukraine kala shaqeeyo heshiis xabad joojin ah.
Ka dib markii uu la hadlay Putin, Trump ayaa lagu wadaa inuu waco madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo hoggaamiyeyaasha NATO.
Dadaallada dublamaasiyadeed ayaa imaanaya iyadoo Ukraine ay sheegtay in Ruushka uu billaabay duullaankiisii ugu ballaarnaa tan iyo markii uu billowday dagaalka bishii February 2022-kii, isagoo wadar ahaan 273 diyaaradood drone iyo duqeymo la beegsaday dhowr gobol oo Ukraine ah.