Trump iyo Zelenskyy oo isku dhacay kahor heshiis ay wada saxiixi lahayeen

28 February, 2025

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa la filayay inuu heshiis muhiim ah oo dhanka macdanta ah la saxiixdo Mareykanka. Kulan ka dhacay Aqalka Cad, Trump wuxuu ku tilmaamay “ixtiraam darro” maadaama ay labada qof isku dhaceen.

Kadib hadaladii kululaa ee ka dhacay Xafiiska Oval-ka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jebiyay wadahadal uu kula jiray Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, kaasoo la sheegay inuu goor hore ka tagay Aqalka Cad.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo dhiggiisa Mareykanka Donald Trump ayaa si cad isugu dhacay kulankoodii Aqalka Cad.

“Waxaan go’aansaday in madaxweyne Zelenskyy uusan diyaar u ahayn nabad haddii Maraykanku uu ku lug yeesho, sababtoo ah wuxuu dareemayaa ka qaybqaadashadayadu waxay siinaysaa faa’iido weyn oo ku saabsan wada xaajoodka. Ma doonayo faa’iido, waxaan rabaa NABAD,” ayuu Trump ku soo qoray bartiisa bulshada.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Zelenskyy “uu ku ixtiraami waayey Mareykanka Xafiiskiisa.”