Trump: Jordan iyo Masar waa inay qaabilaan qaxootiga Falastiin

26 January, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ku cadaadinayo Jordan, Masar iyo dalalka kale ee Carabta si ay u qaabilaan Qaxooti badan oo Falastiiniyiin ah oo ka imaanaya Qaza, ka dib markii dagaalka Israel ee Marinka uu sababay dhibaato bini’aadantinimo.

Trump waxa uu intaa ku daray – Wareysi uu siiyey saxafiyiinta diyaaradda Air Force One oo uu kaga hadlay wadahadal uu shalay la yeeshay Boqorka Jordan Boqor Cabdallaha– waxa uu ku ammaanay Urdun sida wanaagsan ee ay u qaabileyso qaxootiga Falastiin.

“Waxaan jeclaan lahaa in Masar ay sidoo kale dadka soo dhaweyso,” ayuu raaciyay, isagoo intaas ku daray inuu maanta la hadli doono madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi.

Dagaalka Israa’iil ay ku qaaday Gaza ayaa galaaftay nolosha in ka badan 47,000 falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, wuxuuna horseeday eedaymo xasuuq iyo dembiyo dagaal ah. Dagaalku wuxuu kaloo sababay barakaca ku dhawaad ​​dhammaan dadkii ku noolaa dhulkaas, iyadoo ay u dheer tahay cunto yari.

Trump waxa uu tilmaamay in laga yaabo in booqashadiisa ugu horreysa ee dibadda uu ku tago Sacuudiga, inkastoo dhaqanku uu ahaa in madaxweynayaasha Mareykanka ay marka hore booqdaan Britain.

Waxa uu ku micneeyay in markii ugu dambeysay ee uu u safro Sacuudiga ay Boqortooyada ogolaatay in ay iibsato balaayiin doolar oo badeecooyin Mareykan ah.