Trump oo amray dhismaha difaaca cirka Mareykanka [Iron Dome]

28 January, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu saxiixi doono amar fulin ah oo ku baaqaya in la dhiso barnaamijka difaaca gantaalaha “Iron Dome”.

Trump ayaa khudbad u jeediyay xildhibaanno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo ku sugnaa goobtiisa golf-ka ee koonfurta Florida, halkaas oo uu ku ballan qaaday inuu ku xoojinayo tayada millatariga Mareykanka.

“Waa inaan helnaa difaac adag, Waqti yar gudaheedna, waxaan saxiixi doonaa afar amar fulineed oo cusub. ” ayuu yiri Trump.

Midka ugu horreeya, ayuu ku macneeyay, inuu ” isla markiiba bilaabay dhismaha gaashaanka difaaca gantaalaha ee Iron Dome-ga casriga ah, kaas oo awood u yeelan doona inuu ilaaliyo Maraykanka”.

Laba amar oo kale, ayuu raaciyay, ujeedadoodu tahay in meesha laga saaro kala duwanaanshaha iyo sinnaanta ee (DEI), tani oo meesha ka saareysa sharuucdii hore ee lagu illaalinayey shaqaaleysiinta dadka laga tirro badan yahay.

Amarka afraad ayaa sidoo kale dib u soo celin doona xubnihii adeega ee shaqada laga caydhiyay kadib markii ay diideen u hoggaansanaanta waajibaadka baaritaanka iyo kahor taga cudurka COVID-19. Ku dhawaad ​​8,000 xubnood ayaa laga saaray shaqada intii u dhaxaysay Agoosto 2021 ilaa Janaayo 2023.

Trump waxa uu saxeexay tiradii ugu badnayd ee waxqabadyo fulineed maalintiisii ​​ugu horraysay ee xafiiska, kuwaas oo dhan 42 dikareeto.

Qaar badan oo kamid ah amaradaas bilowga ah waxay khuseeyaan socdaalka iyo arrimaha bulshada. Tusaale ahaan, wuxuu sameeyay tallaabo uu ku joojinayo siinta dhalashada dalkaasi caruurta waalidiintooda ay yihiin ajaanibta, amarkaasi oo ka hor imaanay xuquuq dastuuri ah oo siinaya qof kasta oo ku dhashay Mareykanka.