Donald Trump ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in weerar diyaarado dagaal lala beegsado kooxda Daacish ee ka dagaalanta Puntland.

“Kooxdan Dilaaga ah, oo ku dhuumanaya godad, waxay u hanjabeen Mareykanka iyo xulafadayada,” Trump ayaa soo dhigay baraha bulshada.
“Weerarradu waxay burburiyeen godadka ay ku nool yihiin, waxaana la dilay argagixiso badan, iyadoon aan waxyeello loo geysan dadka rayidka ah.”
Trump ma uusan magacaabin dadka lagu bartilmaameedsaday weeraradan duqeynta ah.
Madaxweynaha ayaa ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa: “Fariinta ku socota ISIS iyo dhammaan dadka kale cadowga ku ah Mareykanka “waan ku heli doonnaa, waana ku dili doonnaa!”
War qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha difaaca Pete Hegseth ayuu ku yiri “qiimayntayada bilawga ah waxay tahay in hawl-wadeeno badan lagu dilay duqeymaha cirka mana jiraan dad rayid ah oo waxyeelo soo gaartay”.

Hegseth waxa uu sheegay in weerarradu ay “ay hoos u dhigayaan” awoodda IS “oo maleegaya weerarro argagixiso” “Waxay diraysaa fariin cad oo ah in Maraykanku mar walba diyaar u yahay inuu helo oo uu cirib tiro argagixisada”.
Trump ayaa sidoo kale weerar ku qaaday maamulkii hore, isagoo sheegay in militariga Mareykanka ay bartilmaameedsanayeen qorshaha IS ee gaarka ah muddo sanado ah, laakiin wuxuu ku eedeeyay Joe Biden “iyo saaxiibadiisa” inaysan si dhaqso ah u dhaqaaqin “si ay shaqadan u qabtaan!”
Mareykanka ayaa hada cadeeyey inuu si rasmi ah ugu biiray duulaanka ka dhanka ah Daacishta Soomaaliya oo ay bishii Diseember 2024 bilowday dowlada Puntland ee Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa 2023 ku dilay hogaamiyihii IS, Bilaal Al-Sudani iyo 10 ka mid ah saraakiishiisii godka buuraleyda fog ee Puntland, waqooyiga Soomaaliya, howlgal uu amray Biden.
IS ayaa caan ka noqotay caalamka sanadihii 2010-meeyadii, gaar ahaan Suuriya iyo Ciraaq, balse hadda joogitaankooda ayaa inta badan ku kooban qaybo ka mid ah Afrika.
Laanta Soomaaliya ee IS waxaa la aas aasay sanadkii 2015-kii koox ka soo goostay kooxda Al-Qaacida ee xiriirka la leh Al-Shabaab – kooxda ugu weyn ee Jihaad doonka ah ee Soomaaliya.
IS ee Soomaaliya ayaa caan ku ah in ay baad ka qaataan dadka deegaanka, waxaana inta badan ay fuliyaan weeraro yar yar oo goosgoos ah, sida uu sheegay xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka Mareykanka.