Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa sheegay inuu isfaham la gaaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sidii loo gaari lahaa xabad joojin iyo nabad waarta oo ka dhacda Gaza iyo Falastiin kadib wadahadal uu Khamiistii ku yeeshay Aqalka Cad.

“Kulankeena wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah marka la eego rabitaanka lagu soo afjarayo xasuuqa Gaza. Mr Trump wuxuu sheegay intii uu socday kulanka baahida loo qabo in la joojiyo dagaalka Gaza iyo in la gaaro nabad waarta,” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta Jimcihii.
“Waxaan sharaxnay sida xabbad joojin looga gaari karo Gaza iyo Falastiin oo dhan, iyo nabad waarta ka dib, isfaham ayaa lagu gaaray halkaas,” ayuu raaciyay.
“Waxaan sheegnay in xalka labada dowladood uu yahay qaabka nabad waarta ee gobolka, in xaaladda hadda jirta aysan sii socon karin.”
Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in ka qeyb galka Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ay aad muhiim ugu tahay sharcinimada caalamka ee dowladda cusub ee Suuriya.
Dhinaca kale, Turkiga oo heshiisyo ganacsi la galay Mareykanka ayaa sheegay in shirkadooda Turkish Airlines ay 225 diyaarado cusub ka iibsan doonto shirkadda Boeing ee Mareykanka laga leeyahay.




