Trump oo cambaareeyey Koonfur-Afrika iyo jawaab adag oo loo diray

3 February, 2025

Koonfur Afrika ayaa diiday sheegashada Trump ee ah dadka cadaanka ah ee dalkaasi dhulkooda laga qaadayo, waxayna sheegtay inaysan jirin dhul lala wareegay.

Hadalkan ayaa imaanaya ka dib markii madaxweynaha Mareykanka uu ku hanjabay inuu jarayo dhaqaale kasta oo uu siiyo Koonfur Afrika mustaqbalka sababo la xiriira dhulalka laga qaadayo cadaanka dalkaasi ku nool.

“Xeerka La wareegitaanka ee dhawaan la ansixiyay maaha qorshe lagula wareegayo, balse waa nidaam sharci oo dastuuri ah oo xaqiijinaya in dadweynuhu helaan dhulka si siman oo cadaalad ah sida uu dastuurku dhigayo,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska madaxweyne Cyril Ramaphosa.

Madaxweyne Ramaphosa oo khudbad uu soo jeediyey jawaab adag u diray Trump, isagoo u baaqay madaxweynaha Mareykanka inuusan faraha lasoo gelin arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika.

Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu joojin doono dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray dalka ilaa laga soo gabagabeynayo baaritaan dhab ah oo arrintan ku saabsan.

“Koonfurta Afrika waxay la wareegaysaa dhul, waxayna ula dhaqantaa dadka qaarkood si aad u xun. Waa xaalad xun oo warbaahinta Bidixda xagjirka ah aysan rabin in la sheego. Xadgudub weyn oo Xuquuqda Aadanaha ah.” ayuu ku yiri bartiisa bulshada ee Runta.