Trump oo difaacay xayiraadda Hormuz, sheegayna in Mareykanku uusan oggolaan doonin ‘baadda’ Iran

Trump wuxuu sheegay in xayiraadda ciidamada badda ee Mareykanka ay ujeeddadeedu tahay in Iiraan laga hor istaago “hanjabaad” iyo “baadda adduunka”.

13 April, 2026

Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uusan ku tiirsanayn Marinka Hormuz, isagoo leh: “Ma isticmaalno Marinka,” iyo isagoo sheeganaya in waddanku leeyahay “saliid iyo gaas ka badan Sacuudiga iyo Ruushka”.

Trump wuxuu sheegay in “dalal badan” ay u jeesanayaan iibsiga saliidda Mareykanka, wuxuuna sheegay in weli xaaladda la xalin karo hadii Iran heshiis ogolaato.

Markii la weydiiyay in dalalka kale ay taageeri doonaan xannibaadda, wuxuu yiri: “Uma baahnin dalal kale,” laakiin wuxuu sheegay in qaar ay soo bandhigeen inay caawiyaan, isagoo raaciyay inuu faahfaahin ka bixin doono “berri”.

Milatariga Iiraan ayaa sheegay in xayiraadda ciidamada badda ee uu ku dhawaaqay Mareykanka ee saaran maraakiibta ku sugan biyaha caalamiga ah ay noqon doonto mid sharci darro ah oo u dhiganta burcad badeednimo, iyagoo ka digaya in dekedaha Khaliijka aysan ammaan noqon doonin haddii dekedaha ay leeyihiin la handado.

Hanjabaada Mareykanka ayaa u muuqata xalka kaliya ee hada u furan, isla markaana ay cadaadis ku saari karaan dalalka iibsada saliidda Khaliijka iyo Iran sida dalka China oo ay xulafo yihiin Iiraan.