Trump oo diiday amarka maxkamada, wuxuuna muhajiriinta Venezuela u tarxiilay El Salvador

16 March, 2025

Maamulka Trump wuxuu ku dhawaaqay sharci dagaal si degdeg loogu masaafuriyo dadka u dhashay Venezuelan ilaa wadanka El Salvador. Garsoore federaal ah ayaa soo saaray amar in si ku meel gaar ah loo joojiyo tarxiilka.

Mareykanka ayaa u tarxiilay in ka badan 200 qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin koox burcad ah oo reer Venezuela ah kuwaas oo la geeyey El Salvador iyaga oo u cuskaday sharci la isticmaalo xilliga dagaalka.

Masaafurinta ayaa dhacday in kasta oo amar garsoore federaal ah uu si ku meel gaar ah u mamnuucay tarxiilka.

“Maanta, 238-dii xubnood ee ugu horreeyay ee ka tirsan ururka dambiilayaasha Venezuela, Tren de Aragua, ayaa la keenay waddankeenna,” Madaxweynaha Salvadorean Nayib Bukele ayaa yiri Axaddii.

Bukele wuxuu sheegay in Maraykanku uu sidoo kale soo diray 23 xubnood oo ka tirsan burcadda Salvadorean MS-13.

Qoraalkiisa waxaa ku jiray muuqaal dhowr nin oo katiinado ku xiran oo diyaarad laga soo dajiyey laguna wareejinayay kolanyo si weyn loo ilaaliyo.