Inta lagu guda jiro wadahadallada muhiimka ah ee uu la leeyahay hoggaamiyaha Shiinaha, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu ka hadlo dagaalka Iiraan, ganacsiga iyo xiisadda Taiwan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray Beijing fiidnimadii Arbacada ee caawa, waxaana soo dhaweeyay ilaalo sharafeed oo ka tirsan militariga iyo madax sare oo Shiinees ah oo uu ku jiro Madaxweyne ku xigeenka Han Zheng.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan mowduucyo kala duwan, iyadoo la filayo in saddex ajande ay diiradda saari doonaan.

Ganacsiga: Canshuuraha ayaa la filayaa inay qayb weyn ka noqdaan ajandaha iyadoo Mareykanka iyo Shiinaha ay dib u bilaabeen dagaalkooda ganacsi sannadkii hore kadib markii Trump uu si gaar ah u beegsaday Shiinaha oo uu kusoo rogay ganacsigooda canshuuro dheeraad ah.
Taiwan: Taiwan oo iskeed isu xukunta waa khad cas ee dowlada Shiinaha, gaar ahaan hubka badan ee Mareykanka ka iibiyo Jasiiradaasi. Walow siyaasadda Mareykanka ay tahay inaysan “aqoonsaneyn” madaxbannaanida Taiwan. Laakiin Shiinaha ayaa doonaya inuu Mareykanka hoos u dhigo faro-gelintiisa.
Dagaalka Iran: Dowlada Shiinaha oo xiriir wanaagsan laleh dalka Iran ayaa la filayaa in Mareykanka uu ka codsado inuu ka qeyb qaato sidii xal loogu heli lahaa xiisada Khaliijka iyo xirirtaanka Marin biyoodka Hormuz.




