Trump oo hakad 90-maalmood ah geliyey inta badan canshuuraha, kadib markii Shiinaha kusoo rogay canshuur 84% ah

9 April, 2025

Isagoo wajahaya qalalaasaha suuqa caalamiga ah, Madaxweynaha Mareykanka wuxuu go’aansaday inuu hakiyo canshuuraha inta badan dalalka 90 maalmood.

Waxa uu kor u qaaday heerka cashuurtiisa badeecadaha Shiinaha uu soo dejiyo 125% ka dib markii Beijing ay sheegtay in ay kor u qaadi doonto canshuurta badeecadaha laga keeno Maraykanka 84%.

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa maanta isku raacay in la sii wado canshuuraha aargoosiga ah ee ka dhanka ah Mareykanka, taasoo jawaab u ah canshuur horay loo shaaciyay oo ku saabsan biraha iyo aluminiumka la soo dejiyo. EU-da wali kama aysan jawaabin ku dhawaaqistii Trump ee 20% ee dhammaan badeecadaha laga keeno Midowga Yurub.

Trump ayaa sheegay in uu dib u dhigayo canshuuraha inta badan wadamada 90 maalmood iyadoo suuqa uu hoos u dhacay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shabakadiisa bulshada ku qoray qoraal uu ku boorinayo in “la is-dejiyo”, iyadoo wadamada, siyaasiyiinta iyo suuqa saamiyada ay sii wadaan ka falcelinta canshuuraha uu soo rogay.