Trump oo hakiyay fiisaha soogalootiga ee 75 waddan

15 January, 2026

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay inay joojin doonaan bixinta fiisaha dal-kusoo-galka ee muwaadiniinta 75 waddan oo uu ku jiro dalka Soomaaliya.

Hakinta ayaa dhaqan geli doonta Janaayo 21 waxayna saameyn doontaa dalal u badan Latin Ameerika iyo Kariibiyaanka, Yurub, iyo dhowr waddan oo ku yaal Koonfurta Aasiya, Afrika, iyo Bariga Dhexe.

Isbeddelku wuxuu saameeyaa oo keliya dadka doonaya inay u guuraan Mareykanka.

Ma khuseeyo xayiraadan dadka dalxiiska ah ama dadka haysta fiisaha muddada gaaban.

Laakiin tallaabada ugu dambeysay waxay timid shan bilood kahor inta aysan Mareykanka martigelin Koobka Adduunka ee FIFA oo sidoo kale lagu qaban doono Kanada iyo Mexico.

Xayiraadan lagu caburinayo dadka soogalootiga ah, qaxootiga iyo ardayda ajnabiga ah ayaa dhanka kale laga cabsi qabaa inay hoos u dhigto dadka dalxiiska iyo ciyaaraha adduunka u tagi doona wadankaasi.