Trump oo hub cusub u diraya Ukraine, kuna hanjabay cunaqabatayn inuu saarayo dalalka iibsada saliidda Ruushka

14 July, 2025

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay hubka cusub ee Ukraine loo dirayo isniintii, wuxuuna ku hanjabay inuu cunaqabatayn ku soo rogi doono dadka iibsada alaabaha Ruushka laga dhoofiyo haddii aanay Ruushku ogolaan heshiis nabadeed muddo 50 maalmood ah.

Isaga oo dhinac fadhiya Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte Xafiiskiisa, Trump ayaa u sheegay suxufiyiinta inuu ka niyad jabay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Balaayiin doolar oo hub ah ayaa loo diri doonaa Ukraine, ayuu yidhi.

Hubka waxaa ku jiri doona gantaalada difaaca hawada ee Patriot, kuwaas oo Ukraine ay si degdeg ah u dooneysay inay magaalooyinkeeda ka difaacdo weerarada cirka ee Ruushka.

Hanjabaaddiisa ah in uu Ruushka ku soo rogo waxa loogu yeero cunaqabateynta labaad, haddii la fuliyo, waxay noqon doontaa isbedel weyn oo ku yimaada siyaasadda cunaqabateynta reer galbeedka.

Xildhibaanada labada xisbi siyaasadeed ee Maraykanka ayaa dabada ka riixaya hindise sharciyeedka ogolaanaya tillaabooyinka noocaan ah, kaas oo lagu beegsanayo wadamada kale ee iibsada saliida Ruushka.

Trump, oo sanadkan ku soo laabtay xukunka isagoo ballan qaaday in si degdeg ah loo soo afjari doono dagaalka, ayaa sheegay in isbeddelkiisa ay sabab u tahay niyad jabka uu ka qaaday xiriirkii uu la lahaa Putin, oo uu sheegay, inuu horey usoo dhaweeyey wadahadalka nabadda, laakiin uu sii waday duqeymaha uu ku hayo magaalooyinka Ukraine.